Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Masar oo soo bandhigtay ciidamo iyo diyaarado dagaal oo ay usoo direyso Soomaaliya - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Masar oo soo bandhigtay ciidamo iyo diyaarado dagaal oo ay usoo direyso Soomaaliya


Qaahira (Adduun.com) – Dowladda Masar ayaa soo bandhigtay ciidamada ay usoo direyso Soomaaliya, kuwaas oo gaaraya illaa 1,100 askari. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Ciidamadan ayaa sameeyay dhoolatus milatari oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Labada dal ayaa si wadajir ah u baahiyay muuqaallo muujinaya heerka diyaargarowga ciidamada, qalabka ay adeegsanayaan, iyo awoodda milatari ee ay la hawlgali doonaan.

Muuqaalladaasi waxaa kasoo dhex muuqday diyaaradaha nooca AT-802U, helicopter-da dagaalka ee Mi-24 Hind, kuwa qaada ciidamada ee Mi-17 iyo diyaaradaha aan duuliye lahayn.

Sidoo kale, waxaa la arkayay gaadiid gaashaaman oo u adkeysan kara qaraxyada iyo miinooyinka, kuwaas oo loogu talagalay inay iska difaacaan weerarada ka dhaca goobaha colaadaha.

Dowladda Masar ayaa muddooyinkii dambe si weyn u daneynaysay kamid noqoshada howl-galka cusub, xilli ay Itoobiya ku sigatay in laga reebo howl-galka, wallow ay markiiba dambe isfaham la gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Howl-galka cusub ee AUSSOM, aya si rasmi ah u billowday 1-da Janaayo 2025.

Masar ayaa ka mid ah waddamada sida dhow ula shaqeeya Soomaaliya, iyadoo ka taageerta dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha bulshada.

Si kastaba, howl-galka AUSSOM oo haatan dalka ka bilowday ayaa lagu qiimeyn doonnaa waxyaabaha uu kusoo kordhiyo Soomaaliya, maadaama dalal cusub lagu soo kordhiyay, halka askarta howl-galkaan qeybta ka ah ay si toos ah ula howl-gali doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard