Muqdisho (Adduun.com) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaran ee (NISa) ayaa shaacisay in howlgal bartilmaameed ahaa oo sideedii bishaan ay ka fulisay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
NISA ayaa magaca sarkaalka ku sheegtay Maxamed Sahal Iidle oo magaciisa afgarashada ahaa (Abuu Usaama), sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka.
Sidoo kale Hay’adda NISA ayaa sheegtay in horjoogahan uu aad ugu dhawaa hoggaamiyaha kooxda Axmed Diiriye, sidoo kalena loo diyaarinayay inuu beddao horjoogihii maaliyadda Cabdullahi Wadaad oo isna la dilay bishii hore.
Xilliga la dilay Abuu Usaama ayaa ku howlanaa uruurinta lacago baad ah, waxaaana howlgal ku beegsaday ciidanka NISA iyo saaxibada caalamiga ah.
Maxamed Sahal Iidle (Abuu Usaama) ayaa horay usoo noqday horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Hoose, horjoogaha dabagalka baadda shacabka, iyo xubin ka tirsan waxa ay ugu yeeraan Golaha Shuurada.
Howlgalkan waxaa xigay mid kale oo ay maanta ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jamaame, kaas oo isna lagu dilay ugu yaraan 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Maalmihii u dambeeyay ayaa dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga a waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan maleeshiyada Khawaarijta, iyada oo jab lagu gaarsiiyay howlgallo ka kala dhacay koonfurta iyo bartama dalka.
Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee gobolkaasi.

SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
