Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Karaash oo warbixin xasaasi ah u gudbiyay Xasan Sheekh - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Karaash oo warbixin xasaasi ah u gudbiyay Xasan Sheekh


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah xarunta madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid is xog wareysi ah ayaa yimid, kadib markii uu Karaash booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo dhaweeyay Villa Somalia.

Intaasi kadib Axmed Karaash ayaa madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ka jira deegaanka iyo horumarka laga gaaray dhismaha maamulka cusub, maadaama la dhammeystiray, isla markaana madaxweynuhu ka qayb-galay caleema saarkii dhawaan ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale wuxuu dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey dadaalkii ay gelisay dhismaha dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo haatan xubin ka ah dowlad-goboleedyada ka jira dalka.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan wadashaqeynta labada dhinac iyo sidii ay hay’adaha Dowladda Federaalka u gaari lahaayeen deegaannada maamulkaasi.

Axmed Karaash ayaa maalmahan kulamo kala duwan ka waday gudaha caasimada, kuwaas oo uu la yeelanayay madaxda sare ee dowladda dhexe.

Kulamadaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya, iyada oo haatan la filayo in Muqdisho uu ka furmo shirka u dhexeeya Villa Somalia iyo Golaha Wadatashiga, kaas oo ay ka qayb-galayaan madaxda Jubbaland iyo Puntland oo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashada iyo wax ka beddalka lagu sameeyay Dastuurka dalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard