Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, iyo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ee qaybta ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa haatan kulan deg-deg ah ku leh xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.
Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ah labada madaxweyne ee maanta yimid Muqdisho, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, waxayna iska xog wareysanayaan xaaladaha soo kordhay ee dalka.
Ilo ku dhow shirka oo ka socda hoteel ku yaalla Xerada Xalane ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa u diyaar garowga shirka guud ee Golaha Mustaqbalka iyo Villa Soomaaliya oo lagu wado inuu ka furmo gudaha magaalada Muqdisho.
Ajendaha shirkan oo isha aad loogu hayo ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Waxaa kale oo hadal-heyn dhalisay imaanshaha Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo muddo dheer ka maqnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka daba dheeraaday ee kala dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa, kaas oo meel xun gaaray, illaa ay go’day wada shaqeyntii dhinacyadan, taas oo saameysay dowladnimada.
Labada hoggaamiye oo shaki wayn qaba ayaa sidoo kale caasimada la yimid ciidamo dheeraad ah oo sugayo amnigooda, inta ay joogaan Muqdisho.
Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
