Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support DF Somalia oo guul wayn ka sheegatay dagaalkii Jamaame - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

DF Somalia oo guul wayn ka sheegatay dagaalkii Jamaame


Kismaayo (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka warbixisay howlgal culus oo maanta ka dhacay duleedka demada Jamaame ee Gobolka Jubba Hoose, kaas oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidanka Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland.

Wasaaradda Difaaca oo shaacisay qoraalka ayaa sheegtay in weerarka oo uu xigay dagaal toos ah lagu dilay 14 dhagar-qabe, laguna dhaawacay kuwa kale.

“Ciidamada Gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada amniga Dowlad-Goboleedka Jubaland, ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta,  kaas oo ka dhacay deegaanno hoos yimaada magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka waxaa lagu dilay 14 dhagar-qabe, mid kalena waa la dhaawacay, halka maleeshiyaadkii kale ay ka carareen goobta” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxay dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay si wadi doonto howlgalka, ayna ka go’an tahay ciribtirka kooxaha argagixisada ee ku sugan gobollada dalka.

“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay adkaynayaan in ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada Khawaarijta ah, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni, isla markaana loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka” ayaa mar kale lasii raaciyay.

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danaba ayaa maalmihii u dambeeyay waday diyaar-garow xooggan oo lagu beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab ee gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan agagaarka degmada Jamaame, halkaas oo kooxdu muddooyinkii dambe ka abaabulaysay weerarro ka dhan ah ciidamada.

Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee gobolkaasi.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard