Muqdisho (Adduun.com) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sii waday doodooda ku aadan wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, xilli ay weli ka taagan tahay xiisad culus.
Kulankan oo uu guddoomiyay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa diiradda lagu saaray wax ka beddalka qodobada 61aad ilaa 69aad ee cutubka 5aad, kawaas oo mudnaanta ugu wayn siinaya Nidaamka Federaalka iyo Baahsanaan Awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dooda cutubka shanaad ee Dastuurka ay sii socon doonto, isla markaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga.
Labada Gole ee Baarlamaanka aya shalay soo gabagabeeyay doodooda ku aadan cutubka afaraad, gaar ahaan soo jeedinta wax ka beddalka qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad.
Tallaabadan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana sii kala fogeyneysaa dhinacyada isku hayo arrimaha doorashooyinka.
Waxaa kale oo arrintan ay kusoo aadeysaa, iyada oo haatan la filayo in madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay ka shiraan xaaladda taagan, si heshiis looga gaaro is mari-waaga siyaasadeed ee ka jira dalka.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
