Connect with us

News

Sidee loo khaarijiyay madaxii maaliyadda gobolka Banaadir ee Al-Shabaab?


Muqdisho (Adduun.com) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay khaarajiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere.

Horjoogahan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda gobolka Banaadir, waxaana lagu dilay howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo 27-kii Janaayo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay horjoogaha ayaa toogtay, sida lagu xaqiijiyay war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA.

“Horjoogahan ayaa isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan, waana toogteen ciidanka,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Horjoogahan ayaa kooxda Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2008-dii, isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore kooxda wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

“Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad-joogay Horjooge Axmed Dhubad Xidig, ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay soo afjaraan noloshiis,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NISA.

Ciidanka hay’adda NISA oo door weyn ku leh gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sidan oo kale dhawaan howlgal qorsheysan ku dilay labo horjooge oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkaas oo ka dhacay degmada Jilib ayaa lagu beegsaday Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo magaciisa afgarashadu ahaa Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), kuwaas oo ka mid ahaa maskaxda hawl-gallada khatarta badan ee kooxda.

Horjooge Injineer Ismaaciil waxa uu ka mid ahaa horjoogeyaasha ugu sarreeya uguna khatarta badan kooxda, isaga oo ahaa horjoogaha iyo maskaxda qaybaha qaraxyada, maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Amniyaadka iyo qeybta Al-Kataib.

Injineer Ismaaciil oo ka mid ahaa horjoogeyaasha sida gaarka ah loogu doonista badnaa cadowga ayaa madaxii waxa uu saarnaa lacag dhan 5 milyan oo doollar. Sidoo kale waxa uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxii 14-kii October iyo qaraxyo kale oo badan oo lagu beegsaday hantida iyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, horjooge Cabdikarin Maxamed Xersi (Qoorleex), oo isna ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta kooxda Al-Shabaab, ayaa si gaar ah u qaabilsanaa deegaannada Jubbooyinka.

Howl-galkaas oo ahaa mid bartilmaameed ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay ayaa u dhacay si guul ah, waxaana lagu soo afjaray halisii iyo dhibaatooyinkii ay horjoogeyaashan ku hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News