Connect with us

News

Kadib go’aankii kasoo baxay Xasan Sheekh, Puntland oo maanta ku dhawaaqday in…


Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Wasiirrada Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in canshuur dhaaf loo sameeyay calafka xoolaha iyo galleyda Puntland la soo geliyo, xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu soo saaray go’aan canshuur dhaaf looga dhigayo deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.

Sidoo kale, golaha ayaa go’aamiyay in ceelasha biyaha dadka looga dhigo lacag la’aan inta lagu jiro abaaraa, iyadoo maamulka uu sheegay inuu kabayo ceelasha inta lagu jiro xaaladdan.

Ganacsatada calafka keenta ayaa lagu booriyay in sicirka calafka iyo gelleya ay dhimaan, iyadoo booyadlaydana la faray in ay dhimaan qiimaha biyaha.

“Waxaa la joojiyey samaynta kaamamka Barakacayaasha ban-ka-oodka ah, waxaana la faraya laamaha ay khuseyso in la burburiyo kuwa sida khaldan u samaysmay. Dadkana loogu geeyo gargaarka goobaha ay degan yihiin,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Wasiirrada Puntland.

Go’aankan ayaa imanaya saacado kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu amray hay’adaha maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta bani’aadannimo ee ka dhalan karta.

Sidoo kale, wuxuu faray dhammaan hay’adaha dowladda inay mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka tabaalaysan.

Hoos ka aqriso bayaanka Golaha Wasiirrada Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyeey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan laga soo saaray go’aamo loogu gurmanayo dadka ay Abaartu sameysay.

Kadib markii uu Goluhu warbixin ku saabsan xaaladda Biyaha iyo Abaarta ee Puntland ka dhegaystay Wakaaladda Horumarinta Biyaha ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:-

  • Goluhu wuxuu go’aamiyey in 3-da Bilood ee Abaartu Jirto in Cashuur la’aan laga dhigo Calafka Xoolaha iyo Galleyda Puntland la soo geliyo, iyadoo ganacsatada Calafka keentana laga boorinayo in sicirka calafka iyo gelleya ay dhimaan.
  • Goluhu wuxuu go’aamiyey in Ceelasha Biyaha dadka looga dhigo lacag la’aan (Bilaash) inta lagu jiro abaarata, Dowladdauna ay kabayso Ceelasha inta lagu jiro xaaladdan. Waxaaana lagu boorinayaa Booyadlada in ay iyana dhimaan qiimaha Biyaha.
  • Waxaa la joojiyey samaynta kaamamka Barakacayaasha ban-ka-oodka ah, waxaana la faraya laamaha ay khuseyso in la burburiyo kuwa sida khaldan u samaysmay. Dadkana loogu geeyo gargaarka goobaha ay degan yihiin.
  • Ugu danbeyn Goluhu wuxuu ugu baaqaya Jaaliyaddaha dibedda, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay si mug leh uga qayb-qaybataan gurmadka dadka Abaartu saameysay.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News