Baydhaba (Adduun.com) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa guul ka sheegtay dagaal laba maalmood qaatay oo ka dhacay magaaladaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo ‘maleeshiyad deegaanka ah’ oo kasoo horjeedo maamulka madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Sida uu baahiyay Telefishinka Koonfur Galbeed, dagaalka ayaa goordhow soo gabagaboobay, waxaana lasoo afjaray ‘maleeshiyaadkii kasoo horjeeday ciidanka’ kuwaas oo ay hoggaaminayaan saraakiil caan ka ah magaalada.
Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in kooxda laga dhigay wax nolol lagu qabtay kuwa cararay, isla markaana weli la daba joogo.
“Burcaddii nabad-diidka ahayd ee dhibaatada ku haayey shacabka reer Baydhabo oo wax nolol lagu qabtay iyo wax cararay laga dhigay” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo la filayaa in laamaha amniga ay ka warbixiyaan khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo saameeyay dadka shacabka ee lagu kor dagaalamay.
Dagaalka saaka ka dhacay Baydhaba ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen guriga wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya, Xasan Eelaay oo ay isku dhacaan yihiin maamulka.
Sida ay ogaatay Adduun.com, dagaalkan ayaa salka ku hayo muran xooggan oo ka dhashay dhul ku yaalla aagga uuqa Xoolaha ee magaaladaasi.
Si kastaba, Xiisaddan ayaa kusoo aadeyso, xilli la filayo in Koonfur Galbeed ay aado doorasho, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Laftagareen.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta-23)
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
SIRDOON & QISO
Basaaskii ahaa Injineerka Tubooyinka & Bulaacadaha
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta-23)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta 22)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Q-21)