Baydhaba (Adduun.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dib uga qarxay gudaha magaaladaasi, kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay weerareen guriga Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Eelaay, wuxuuna dagaalku galay maalintii 2-aad.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladdu ay faraha ka baxday, isla markaana uu sii xoogeysanayo dagaalka, iyada oo labada dhinac ay is-waydaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Wasiir Xasan Eelaay oo u warramay Dalsan Tv ayaa sheegay in gurigiisa lagu soo duulay, wuxuuna tilmaamay in mas’uuliyadda uu qaadayo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda maamulkaasi.\
Sida ay ogaatay Adduun.com, dagaalkan ayaa salka ku hayo muran xooggan oo ka dhashay dhul ku yaalla aagga uuqa Xoolaha ee magaaladaasi.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga oo ku aadan dagaalka ka socda Baydhaba, waxaana dhinaca kale lasoo sheegayaa in is-gaarsiinta ay jartay Koonfur Galbeed.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay halkaasi, kaas oo u dhexeeyay ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa kale oo daacad u ah sarkaal lagu magacaabo Cabdiraxmaan Niishow, kaas oo isna lagu eedeeyay qalqal-gelin amni iyo sidoo kale inuu dhigtay jidgooyo.
Xiisaddan ayaa kusoo aadeyso, xilli la filayo in Koonfur Galbeed ay aado doorasho, maadaama uu mar hore dhammaaday muddo xileedkii Laftagareen.

SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta 22)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Q-21)
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
SIRDOON & QISO
Basaaskii ahaa Injineerka Tubooyinka & Bulaacadaha
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Qeybta 22)
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam Sabri (Q-21)
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Taxanaha Basaaskii Carbeed Adam (Sabri Q-20)