Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Faah-faahinta Mareykanka oo soo riday diyaarad ay leedahay Iran - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Faah-faahinta Mareykanka oo soo riday diyaarad ay leedahay Iran


Washington (Adduun.com) –  Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye laheyn ee loo yaqaanno drone-ka nooca Shahed-139 oo ay leedahay Iiraan, taasoo ku dhawaatay markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln, lagu beegsaday laguna soo riday diyaarad dagaal oo Mareykan ah nooca F-35.

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), Captain Tim Hawkins oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay tallaabadan loo qaaday si is-difaac ah, si loo ilaaliyo markabka iyo shaqaalaha saaran.

“Diyaarad dagaal oo F-35 ah oo ka timid markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln ayaa soo ridday diyaaradda aan duuliyaha laheyn ee Iiraan leedahay si is-difaac ah, si loo ilaaliyo markabka iyo shaqaalihiisa,” ayuu yiri Captain Tim Hawkins.

Sidoo kale, Wax yar ka hor intaan wararkan la shaacin, wakaaladda wararka Reuters iyo CBS, oo ah shabakadda lag aleeyahay Mareykanka ayaa sheegay in militariga Mareykanka uu soo riday drone Iiraan leedahay oo ku soo dhowaatay markabka USS Abraham Lincoln ee ku sugnaa Badda Carabta.

Markabka diyaaradaha qaada ee Abraham Lincoln ayaa bilaabay safarkiisa isagoo ka soo baxay Badda Koonfurta Shiinaha kuna wajahnaa Bariga Dhexe 14-kii Janaayo, waxaana la sheegayaa in hadda uu ku dhow yahay xeebaha Cumaan.

Weerarkan ayaa uga sii daraya xiisadda Mareykanka iyo Iran ee ka taagan bariga dhexe, taas oo cirka isku sii shareereysa marba marka ka damabeysa.

Xiisadda ayaa haatan gaartay meeshii ugu sarreysay, kadib markii xukuumadda Tehran iyo isbahaysigeeda gobolka ay ku hanjabeen tallaabooyin milatari oo adag, xilli ciidamada badda Mareykanka ay soo dhoobteen biyaha Gacanka Carabta.

Dhaq-dhaqaaqan milatari ee cusub ayaa yimid kadib markii Donald Trump uu amray in cudud milatari oo dheeraad ah la geeyo gobolka, tallaabadaas oo lagu macneeyay mid cadaadis lagu saarayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Si kastaba, ha’ahaatee arrintan ayaa sii kululaatay kadib markii dowladda Iran ay qaadday tallaabooyin adag oo ay ku caburineyso dibad-baxyada gudaha dalkaas ka socda, taasoo keentay in Mareykanku uu ka digay cawaaqib xumo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard