Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Ku dhowaad 300 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Ku dhowaad 300 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka…


Muqdisho (Adduun.com) – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 275 muwaadiniin Soomaaliyeed.

Muwaadiniintan ayaa laga soo badbaadiyay tahriib sharci-darro ah iyo dhibaatooyin bani’aadannimo oo ay kala kulmeen dalka Liibiya.

Muwaadiniintan ayaa isugu jira rag, haween iyo carruur, kuwaas oo ku jiray xaalado halis ah.

Soo celinta muwaadiniintan waxaa si weyn u taageeray Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Aduunka (IOM Somalia), kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaatay fududeynta safarka.

Muwaadiniintan ayaa la kulmay tacaddiyo, xarig sharci-darro ah iyo nolol aad u adag intii ay ku sugnaayeen Liibiya.

Markii ay dalka soo gaareen, waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta NCRI, halkaas oo lagu siiyay adeegyo dhameystiran oo ay ka mid yihiin:

  • Daryeel caafimaad
  • Hoy ku-meel-gaar ah
  • Taageero nafsiyeed
  • Cunto iyo
  • Wacyigelin ku saabsan khataraha tahriibka

Sidoo kale, muwaadiniintan waxaa dib loogu celiyay deegaannadoodii si ay ula midoobaan qoysaskooda, taas oo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu yareynayo tahriibka laguna ilaalinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard