Connect with us

News

Muxuu FAHAD ka yiri go’aanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka?


Muqdisho (Adduun.com) – Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta, Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo soo dhaweeyay ka qayb-galka gogosha uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo furmi doonta 1-da bisha soo aadan ee Febraayo ee sannadkan 2026-ka.

Fahad ayaa si weyn soo dhaweeyay aqbalaada golaha ee shirka, gaar ahaan inay kasoo muuqdaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ay si weyn isku hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in go’aankan uu yahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday muhiimna u ah wadajirka iyo midnimad dalka.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed go’aan qiime leh ayay soo saareen. In Haybadle Saciid Dani iyo Haybadle Axmed Madoobe ay shirka aqbaleen oo Muqdisho tagayaan waa tallaabo u wanaagsan wadajirka iyo midnimada dalka” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in wixii gadaal ka yimaado shirka kadib uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha, loogana baahan yahay inuu noqdo hoggaamiye dhab ah oo  fahmi kara siyaasadaha is-diidan.

“Maalinta uu shirkaas Xamar ka furmo kadib, wixii gadaal ka xumaada IF iyo AAKHIRO eeddeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu kusii daray qoraalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Golaha Mustaqbalka uu si cad maanta u sheegay inuu shirka wadatashiga ee uu iclaamiyay madaxweynaha, isaga oo ka duulayo caqabadaha taagan, si xal loogu helo khilaafka soo laa laabtay.

“Haddaba Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyeen;-

  • In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
  •  In ajendayaasha laga wadahadlo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka sida,

1-Amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

2- In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah.

3- Xaaladda Midnimada iyo wadajirka dalka

4- Xaaladda abaaraha ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News