Kismaayo (Adduun.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay aagga deegaanka Kudhaa, halkaas oo maalin kahor jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in howlgallada ay sii socdaan, isla markaana ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ay haatan ku raad-joogaan horjooge Fu’aad Shangole oo ay sheegtay inuu qabo dhaawac culus oo kasoo gaaray duqeymaha iyo dagaallada ka socda halkaasi.
Howlgalladii ugu dambeeyay oo xalay iyo saaka dhacaya ayay sidoo kale dowladdu sheegtay in lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee Jubbada Hoose.
“Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa. Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lasoo raaciyay “Sidoo kale, aroornimadii saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore”.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.
Dagaalka Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan xubnaha Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay.
Deegaanka weli waxaa ka muuqda raadadkii dagaalka, iyada oo banaanka magaalada lagu arkayo gaadiid badan oo laga gubay Al-Shabaab, waxaana ka horreeyay dhaawacyo iyo mayad ay ciidanka kasoo aruuriyeen duleedyada.
