Connect with us

News

Somaliland oo shaacisay natiijada safarkii Cirro ee Davos + Sawirro


Haregeysa (Adduun.com) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, kadib safar uu ku tegay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo ay isku arkeen hoggaamiyeyaal iyo ganacsato waa wayn.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul taariikhi ah usoo hoyay Somaliland, isla markaana ay kasoo baxday natiijo wanaagsan oo wax ka ool ah.

Madaxtooyadu waxa ay intaasi ku dartay in Cabdiraxmaan Cirro uu ka qayb-galay shirka sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka, isla markaana uu kusoo bandhigay fursadaha muhiimka ah ee ka jira gudaha Somaliland.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta si nabad ah ugu soo laabtay dalka, kaddib safar shaqo oo guul taariikhi ah oo uu ku tagay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu kaga qayb galay Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum -WEF) oo ay isugu yimaaddaan hoggaamiyeyaasha dunida, siyaasiyiin miisaan leh, diblomaasiyiin, iyo ganacsato heer caalami ah.

Intii uu Madaxweynuhu ku sugnaa Davos, waxa uu si xeel dheer, aragti fog iyo garasho istiraatiiji ah ugu soo bandhigay madal ay fadhiyeen madax caalami ah iyo maalgashadeyaal waaweyn Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo si cad u iftiimiyey xaqa sharci, taariikheed iyo mid siyaasadeed ee ay Somaliland u leedahay in ay noqoto Qaran madax-bannaan oo ka mid ah Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Davos ka jeediyey dood gar-naqsi ah oo uu ku faahfaahiyey guulaha ay Somaliland muddo ka badan 34 sano ka gaadhay dhismaha dawladnimo ku salaysan nabad, xasillooni, dimuqraadiyad, dawlad-wanaag iyo ku dhaqanka sharciga,  isaga oo carrabka ku adkeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal si buuxda ugu qalma aqoonsi caalami ah iyo ka mid noqoshada Beesha Caalamka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh u soo bandhigay fursadaha ballaadhan ee maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan dhinacyada Beeraha, Xoolaha Ganacsiga, Macdanta iyo Tamarta, khayraadka dabiiciga ah, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku-xidhka ganacsiga goboleed, isaga oo adkeeyey in Somaliland tahay dal ammaan ah, la isku hallayn karo, una furan iskaashi dhaqaale oo waara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu kulammo iyo wada-xaajood la yeeshay hoggaamiyeyaal, madax iyo hay’ado Caalami ah, taasi oo xoojisay sumcadda iyo ka muuqashada Somaliland ee masraxyada caalamiga ah.

Intii uu ku sugnaa magaalada Davos, Madaxweynaha JSL waxa uu mar kale Dunida u caddeeyey in Somaliland aanay codsanayn gargaar iyo gacan-hoorsi, balse ay dalbanayso aqoonsi, ixtiraam iyo iskaashi ku dhisan dano-wadaag, nabad iyo horumar, isla markaana ay diyaar u tahay in ay door wax-ku-ool ah ka qaadato xasilloonida, ganacsiga iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News