Muqdisho (Adduun.com) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahan duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta Sabti ah dhagax-dhigay dhismaha waddada Cabdiqaasim ee degmada Hodan, ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin lagu xoojinayo nadaafadda caasimadda, taas oo ka mid ah mashaariicda mudnaanta u leh horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.
Ugu horreyn duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha waddada Cabdiqaasim ayaa sheegay in caqabaddii ugu weynayd ee dib u dhigtay dhismaha waddadaas ay ahayd guryo iyo dhismayaal waddada soo galay, kuwaas oo si sharci darro ah u xannibay hirgelinta mashruuca, balse hadda go’aan laga gaaray.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa amray in la burburiyo dhammaan guryaha iyo dhismayaasha waddada soo galay, isaga oo u qabtay muddo hal isbuuc ah, si loo banneeyo waddada.
Dhinaca kale, duqa Muqdisho ayaa Munaasabadda dhagax-dhigga ka diray farriin kale oo oo ku aaddan hagaajinta nadaafadda iyo nidaamka magaalada, iyadoo uu dhiirri-geliyay ololaha nadaafadda ee ka socda Muqdisho, kuna ammaanay ka-qeybgalka bulshada iyo wacyigelinta laga helayo baraha bulshada, gaar ahaan dhallinyarada hormuudka u ah barta TikTok.
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku dhawaaqay samaynta kooxo kormeerayalaa nadaafadeed oo cusub, kuwaas oo si joogto ah u la socon doona xaaladda nadaafadda degmooyinka, isla markaana hubin doona fulinta habraacyada iyo isla xisaabtanka.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dib-u-eegis lagu sameyn doono kariteeriyada shirkadaha nadaafadda, si loo qiimeeyo tayada adeegga ay bixiyaan iyo u-hoggaansanaantooda waajibaadka shaqo, loona xaqiijiyo in adeegga nadaafaddu noqdo mid hufan oo joogto ah.
Ugu dambayn, wuxuu hoosta ka xariiqay in xeer cusub oo nadaafadda magaalada la xiriira uu saxiixi doono dhawaan, kaas oo dejin doona habraac iyo waajibaad cad, islamarkaana adkeyn doona ilaalinta nadaafadda iyo bilicda caasimadda.
Waxaa kale oo uu adkeeyay in dhagax-dhigga waddada Cabdiqaasim iyo tallaabooyinka nadaafadda ay yihiin qorshe mideysan oo lagu dhisayo Muqdisho nadiif ah, nidaamsan, lehna kaabayaal casri ah oo u qalma mustaqbalka magaalada.
