Connect with us

News

Xogta duqeyn culus oo uu Mareykanka ka fuliyay PUNTLAND


Boosaaso (Adduun.com) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo culus oo saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan oo ay qayb ka ahaayeen ciidankooda lagu beegsaday firxadka Daacish oo ku sugnaa aagga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade oo ka tirsan buuraha Calmiskaad.

“Duqeymo ay fullinayaan saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa lagu beegsaday todobaadkan Firxadka Argagixisada Daacish, kuwii u danbeeyay waxay 24- saac kahor ka dhaceen aaga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade, Calmiskaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa shaaca ka qaaday xubno ka tirsanaa argagixisada lagu dilay weerarka, kuwa kale ay isa soo dhiibeen marka ay u adkeysan waayeen culeyska.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgallada ay sii socdaan, isla markaana lagu daba jiro xubnaha kale ee ka baxsaday goobta la duqeeyay.

“Duqeymaha cirka iyo go’doonka ay ciidankeennu dhulka ka geliyeen firxadka Argagixisada, waxay noqdeen firxadkii wax la dilay, wax lagu dabo jiro iyo kuwo isa soo dhiiba” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kaso baxay Puntland.

Waxaa kale oo bayaanka lasii raaciyay “Howlgalkuna waa soconaya inta firxadka u danbeeya lasoo afjarayo”

Maamul-goboleedka Puntland ayaa guul wayn ka gaaray dagaalka Daacish, waxaana dhawaan uu soo bandhigay ajaaniibtii ugu badneyd oo lagu soo qabtay howlalladii cuslaa ee ka dhacay Calmiskaad, kuwaas oo kasoo kala jeeda dalalka Turkiga, Sacuudiga, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Tanzaaniya.

Maxaabiistaas ajaanibta ah ayaa tiradoodoodu waxay gaaraysaa kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.

Ciidanka difaaca Puntland oo muddo dheer dagaal adag kula jira argagixisada ayaa muujiyay awoodooda, waxayna guulo waa wayn kasoo hoyeen dagaalka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in News