Qaahira (Adduun.com) – Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, kaas oo ay isugu yimaadeen wasiirro iyo masuuliyiin ka socday dalalka Carabta.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta isgaarsiinta, tiknoolojiyadda iyo jihada mustaqbalka dijitaalka ee dalalka xubnaha ka ah golaha Carabta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Maxamed Adam Macallin (Soomaali), kaas oo door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka.
Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo adkeeyey baahida loo qabo qorshe mideysan oo lagula jaanqaadayo isbeddellada dijitaalka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan, si loo dhiso mustaqbal dijitaal oo waara loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha.
Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale la falanqeeyey fursadaha iskaashi ee u dhexeeya dalalka Carabta, horumarinta adeegyada dijitaalka, iyo sidii loo xoojin lahaa doorka tiknoolojiyadda ee kobaca dhaqaale iyo horumarka bulshada.
Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya horumarka dijitaalka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah.



