Dooxa (Adduun.com) – Khabiir ku xeel-dheer arrimaha gobolka ayaa sheegay in dalalka Carabta iyo awoodaha kale ee gobolka aysan u badnayn inay Israa’iil u ogolaadaan inay saameyn ku yeelato Soomaaliya, inkastoo ay jiraan wax uu ku tilmaamay isku dayo ay Israa’iil ku dooneyso inay ku ballaariso joogitaankeeda Geeska Afrika.
Cali Bakr, oo ah Bare sare oo dhiga Culuumta Xiriirka Caalamiga ah, Amniga, iyo Difaaca ee Jaamacadda Qatar, ayaa wakaaladda wararka ee Novosti u sheegay in Israa’iil ay tan iyo sanadkii 2023-kii raadineysay waddo ay kusoo dhex-gasho Geeska Afrika. Wuxuu intaas ku daray in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad ballaaran oo arrintaas la xiriirta, balse wuxuu ku dooday in dadaalladaasi ay wajahayaan caqabado waaweyn.
Bakr ayaa xusay in tallaabada Israa’iil ay Somaliland ugu aqoonsatay maamul madax-bannaan ay kala kulantay diidmo adag oo kaga timid dalalka Carabta iyo dhowr waddan oo Afrikaan ah, taas oo ku adkeyneysa Tel Aviv inay si rasmi ah cagaha u dhigato gobolka.
Wuxuu tilmaamay in awoodaha waaweyn ee gobolka ay horey u lahaayeen dano siyaasadeed, ciidan, iyo dhaqaale oo qoto dheer oo ay ka leeyihiin Soomaaliya. “Sacuudiga, Turkiga, iyo Masar dhammaantood waxay saldhigyo ciidan ku leeyihiin Soomaaliya, marka laga soo tago danahooda istiraatiijiyadeed ee fog,” ayuu yiri Bakr, isagoo raaciyay in Turkiga gaar ahaan uu maalgashi ballaaran ku sameeyay dalka.
Bakr ayaa ku nuux-nuuxsaday in Geeska Afrika uu muhiimad istiraatiiji ah oo gaar ah u leeyahay dalka Masar, gaar ahaan xilligan ay jiraan xiisadaha kala dhaxeeya Itoobiya. Wuxuu sharraxay in iskaashi kasta oo dhex mara Israa’iil iyo Itoobiya oo laga sameeyo Somaliland uu xoojin karo awoodda Itoobiya ee gobolka, taas oo ka hor imaanaysa danaha Masar. “Sababtaas awgeed,” ayuu yiri, “waa mid aad u adag in qorshaha Israa’iil ee ay ku dooneyso inay saameyn ku yeelato aaggan uu guuleysto.”
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Israa’iil ay dhamaadka bishii Diseembar ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland—oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya—iyadoo maamulkaas la saxiixatay bayaan is-afgarad iyo aqoonsi labada dhinac ah.
Tallaabadan waxaa si adag u qaadacday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah gobonimada Soomaaliya. Sidoo kale, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa taageeray mowqifka Soomaaliya, iyagoo xoojiyay taageeradooda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.