Washington (Adduun.com) – Mareykanka ayaa shaaciyay hindise ballaaran oo lagu dhisayo waxa uu ugu yeeray “Gaza cusub”, kaas oo lagu doonayo in dib loogu dhiso dhulka Falastiin ee sida weyn u burburay, lagana bilaabo meel eber ah.
Qorshahan ayaa muujinaya dhismayaal dhaadheer oo laga hirgelinayo xeebta Badda Mediterranean-ka, iyo deegaanno cusub oo la deggan yahay oo laga sameynayo aagga Rafax.
Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay khariidad tilmaamaysa marxalado kala duwan oo horumarineed, oo isugu jira deegaan, beeraha iyo warshado, kuwaas oo loogu talagalay in ay ku noolaadaan ku dhowaad 2.1 milyan oo qof.
Arrintan ayaa lagu soo bandhigay xilli lagu jiray munaasabadda Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, oo lagu saxiixayay Golaha Nabadda cusub ee uu dhisay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo loo xilsaaray soo afjaridda dagaalka muddada dheer socday ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, isla markaana kormeeraya dib u dhiska Gaza.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in qorshahan uu noqon doono mid guul weyn laga gaaro, isagoo xusay in Gaza ay mustaqbalka noqon doonto meel isha lagu hayo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in aragtidiisu ay salka ku hayso qiimaha goobta, gaar ahaan u dhowaanshaha badda iyo bilicda deegaanka.
Jared Kushner, oo ah soddogga Trump kana mid ahaa doorkii dhexdhexaadinta xabbad-joojintii bishii Oktoobar, ayaa sheegay in Gaza lagu riday ku dhowaad 90,000 oo tan oo hub ah, isla markaana ay yaallaan in ka badan 60 milyan oo tan oo burbur ah oo u baahan in la nadiifiyo.
Khariidadda qorshaha guud ee Maraykanka ayaa tilmaamaysa aag gaar ah oo loo qoondeeyay dalxiiska xeebta, halkaas oo la dhisi doono 180 dhismeyaal dhaadheer.
Sidoo kale, waxaa ku jira deegaanno la deggan yahay, xarumo warshadeed, xarumo xogeed, wax-soo-saar sare, beeraha iyo goobaha cayaaraha.
Waxaa qorshaha ku jira in la dhiso deked cusub iyo garoon diyaaradeed oo ku dhow xadka Masar, iyo sidoo kale isgoys saddex geesood ah oo ay ku kulmaan xuduudaha Masar iyo Israa’iil.
Dib u dhiska Gaza ayaa loo qorsheeyay afar weji, iyadoo laga bilaabayo Rafax, kadibna si tartiib ah loogu sii gudbayo waqooyiga ilaa magaalada Gaza.
Khariidadda ayaa sidoo kale muujinaysa dhul bannaan oo ku yaalla xadka Masar iyo Israa’iil, kaas oo u muuqda in loo asteeyay aag amni, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay sii joogayaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa.
Qorshuhu wuxuu tilmaamayaa in “Rafax Cusub” ay ka koobnaan doonto in ka badan 100,000 guri oo joogto ah, 200 xarumo waxbarasho iyo 75 xarumo caafimaad. Rafax, oo ku taalla koonfurta marinka Gaza, waxaa horey u deggenaa ku dhowaad 280,000 oo qof, balse inta badan waa la burburiyay intii uu socday dagaalka, iyadoo hadda ku jirta aag ay Israa’iil maamusho.
Kushner ayaa sheegay in uu rajeynayo in dhismaha Rafax Cusub lagu dhammaystiri karo muddo u dhexeysa laba illaa saddex sano, isagoo xusay in howlo burbur-qaadis ah horey loo bilaabay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaadyada soo socda magaalada Washington lagu qaban doono shir lagu shaacinayo deeqaha caalamiga ah, isla markaana lagu soo bandhigi doono fursadaha maalgashi ee la xiriira dib u dhiska Gaza.
Bishii Febraayo, Trump ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay caalamka kadib markii uu soo jeediyay in Falastiiniyiinta Gaza si joogto ah loogu raro dalalka deriska ah, si Maraykanku u beddelo aaggaas waxa uu ugu yeeray “Riviera-da Bariga Dhexe”.
Kushner ayaa sidoo kale sheegay in hub ka dhigista Gaza ay bilaabanayso, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan la heli karin maalgashi haddii uusan jirin amni.
Wuxuu sheegay in guddiga farsamada Falastiiniyiinta ee loo yaqaan Guddiga Qaranka ee Maamulka Gaza ay la shaqeyn doonaan Xamaas, si loo fuliyo hub ka dhigista loogana gudbo heshiisyada marxaladda xigta. Xamaas ayaa horay u diiday in ay hubka dhigto iyada oo aan la dhisin dowlad Falastiini ah oo madax bannaan.
Trump ayaa dhankiisa digniin u diray Xamaas, isagoo sheegay in ay khasab tahay in ay hubka iska dhigaan, haddii kale cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto. Waxa uu sidoo kale ku adkeystay in Xamaas ay wareejiso meydadka la haystayaashii Israa’iil ee ku dhintay Gaza.
Marxaladdii koowaad ee heshiiska, Israa’iil iyo Xamaas waxay ku heshiiyeen xabbad-joojin, is-weydaarsiga la haystayaal iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah, ka bixitaan ciidan, iyo kordhinta gargaarka bini’aadannimo.
Si kastaba, xabbad-joojintu weli waa mid jilicsan. Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 477 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo Israa’iil saddexdii bilood ee la soo dhaafay, halka milatariga Israa’iil uu sheegay in saddex askari laga dilay weerarro ay fuliyeen kooxo Falastiiniyiin ah.
Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa ku baaqay in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska nabadda, isla markaana Israa’iil ay ciidamadeeda kala baxdo Gaza, iyadoo Maamulka Falastiinna la siinayo doorka hoggaamineed ee maamulka aaggaas.
Dhanka kale, madaxa guddiga farsamada ee Falastiiniyiinta ee Gaza, Cli Shaath, ayaa sheegay in xadka Rafax ee u dhexeeya Gaza iyo Masar dib loo furi doono toddobaadka soo socda, kaddib markii uu xirnaa tan iyo bishii May 2014, markaas oo Israa’iil ay la wareegtay dhanka Falastiin ee xadkaas.