Sticky ad
Video

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay Tehran oo si nabad ah loo soo badbaadiyay + Sawirro

0
Please log in or register to do it.

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara, Turkiga, ayaa ku guuleysatay howlgallo samatabixin ah oo lagu soo badbaadiyay Dr. Mustafa Cali Macallin, muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay magaalada Tehran ee dalka Iran.

Dr. Mustafa, oo waxbarashada caafimaadka ku qaadanayay Iran, ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray weerarro cirka ah oo Israel ku qaaday caasimadda Tehran. Waxaa la sheegay inuu ka mid yahay arday Soomaaliyeed oo toboneeyo gaaraya kuwaas oo wax ku barta dalkaas.

Howlwadeenada Safaaradda ayaa Dr. Mustafa kasoo daad gureeyay xadka Iran, iyaga oo si nabad ah ugu soo gudbiyay gudaha Turkiga. Safaaraddu waxay si gaar ah ugu mahadcelisay dowladda Turkiga door muhiim ah oo ay ka qaadatay fududeynta safarkiisa iyo gaarsiintiisa halkaas.

Maalmihii lasoo dhaafay, Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga waxay dadaal ugu jirtay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Iran, gaar ahaan kuwa ku nool goobaha ay colaadu saameysey, looga daadgureyn lahaa haddii ay dareemaan khatar amni.

Safaaraddu waxay sidoo kale si rasmi ah ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Iran in ay la soo xiriiraan si degdeg ah haddii ay doonayaan in laga kaxeeyo dalkaas, iyadoo la sii adkeynayo dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil. Waxaa la faafiyay lambaro toos ah oo muwaadiniinta si toos ah ula xiriiri karaan.

Burburka Nuclear, Saldhigyada la gubay & Shacab barakacaya
Erdogan oo shaaciyay go’aan adag oo la xiriira colaadda u dhaxeysa Iran iyo Israel.
Sticky ad

Your email address will not be published. Required fields are marked *